Dal uu dhimasho badan ka geysanayo Coronavirus oo furaya tartamada K/Cagta

Ra’isal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa dhaliilay in la furo tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee ka hooseeya heerka koowaad, kuwaasoo la shaaciyay inay ka  bilaaban doonaan meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaas.

Xiriirka kubada cagta ee dalkaas ayaa sheegay in la furayo garoomada ciyaaraha, ayna bilaabi doonaan tartamada kubada cagta ee ka hooseeya heerka koowaad, iyadoo heydadan ay tahay mid ka madax banaan dowlada.

Ra’isal wasaaraha oo la hadlay jariidadda Sportbladet ayaa sheegay xaalada hadda jirta aysan ahayn in ciyaar kubbad la isugu yimaado, isagoo intaas ku daray in falkaasi yahay mas’uuliyad daro, sida uu sheegay.

Hadalka Stefan ayaa ku soo aadaya iyadoo Dowlada lagu dhaliilayo xirnaan la’aanta goobaha muhiimka ee bulshada iskugu timaado.

Hay’adda caafimaadka bulshada dalka Sweden ayaa maanta shaacisay tirakoobka dadka u dhintay cudurka Covid-19, iyada oo cudurku uu galaaftay nolosha 130 qof 24-kii saac ugu danbeeyay.

Isku darka tiradda guud ee ilaa iyo hadda uu dilay cudurka ayaa mareysaa 1,333 qof, halka inta la xaqiijiyay ee cudurka laga helayna ay tahay 12,540, qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -