(Akhriso) Dowlad goboleedyada oo dalab cusub u diray dowlada Somalia

Maamul goboleedyada Somalia ayaa ka codsaday dawladda federaalka in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ee dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gargaarka ee heer maamul goboleed ayaa sheegay inay maalin walba xaaladda bani’aadaminnmo ee dalka ay sii adkaanayso.

Wasiirrada arrimaha bani’aadaminnimo ee heer maamul goboleed ayaa dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay diiradda saaraan meelaha ay adagtahay in la gaaro si loo caawiyo dadka dhibaataysan, waxna looga qabto barakaca dadka ee goobahaas.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hay’adaha gargaarku ka digeen in macluul ka dhici karto meelo ka mid aha waddanka bilaha October iyo December haddii aan la helin gargaarka looga hortago dhibaatada bani’aadaminnimo.

Dawladda Soomaaliya ayaan ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.

 

- Advertisement -