Axmed Madoobe oo Guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland isagoo golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda Amniga, abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyo booqashadii ay shalay Kismaayo ku timid safiirka UK ee Soomaaliya.

Warbixinta amniga ayaa ugu horeeyntii golaha looga hadlay, waxaana la bogaadiyey ciidamada Dowladda qaybahooda kale duwan kuwaa oo kujira baacsiga kooxaha nabad diidka ah iyo adkeeynta amaanka guud.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa sheegay in Dowladdu ay wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhaceen, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay Madaxweynaha in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan lahaayeen gurmadka loo sameenayo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha wasiiradda oga warbixiyey kulankii shalay uu la qaatay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster kaa oo diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK qayb oga qaadan laheyd gurmadka abaaraha.

- Advertisement -