Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo ka hadashay sida laga yeelayo Deni haddii uu soo waayo xilka Madaxweynaha DF

Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha Maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii uu soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in Deni haddii uu kursigaas waayo uu sii ahaan doono madaxweynaha Puntland.

“Deni weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madaxweynaha Puntland ayuu ahaanayaa.” ayuu yidhi Wasiir Xasan Shire.

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soomaaliya doorashada soo aaddan.

Marxuum C/llaahi Yuusuf ayaa qiyaastii 16 sano ka hor ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Somalia xili uu ahaa Madaxweynaha Puntland oo markii dambe uu ku wareejiyey kuxigeenkiisii

Related posts

Dowlada Somalia oo sameeneysa Ciidan dhar cad ah oo ka hortagaya Laaluushka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo meesha ka saaray in Heshiis galeen Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Wufuud caalami ah oo beri ku wajahan Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---