Shiikh Shariif oo faahfaahin ka bixiyey dacwada ay ka gudbiyeen Xukuumada Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey dacwad rasmi ah oo ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka, taasoo ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

Shiikh Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dacwada uu xisbigiisa u gudbiyey Maxkamada sare ay la xiriirto is hortaagii dhowaan lagu sameeyey safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo.

“Iyadoo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasoo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu sheegay inaysan jirin cid ka sareysa sharciga, ayna ka doonayaan Maxkamadda sare ee dalka cadaalad la xiriirta falka lagula kacay,

“Ma jirto cid ka sareysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa” ayuu yiri mar kale.

Sheekh Shariif ayaa 22-kii bishii hore laga hor istaagay inuu u dhoofo magaalada Kismaayo oo uu kaga qeyb geli lahaa caleemo saarka Axmed Madoobe oo taageerayaashu u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -