Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo qabtay nin dil geystay

Nin hubeysan ayaa galabta ku dilay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Eng. ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel ka dib markii nin hubeysan oo qori ka dafay askari Boolis ah uu rasaas ku furay gaari uu la socday Eng. Feisal Cabdullaahi Takar oo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamadda Ammaanka ee degmadda Hilwaa ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen ka dib gacanta ku soo dhigay ninkii maanta dilka ugu gaystay Injineer Faysal Cabdullaahi Takar, Chekh pont-ka  Shineemo Cabdi-Waayeel ee degmadda Hilwaa ee Gobalka Banaadir.

Injineer, Faysal Cabdullaahi Takar, ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud qeybteeda farsamadda bixisa addeega xawaaraha sarreeya ee Shabakadda wireless-ka ee loo yaqaan “Fiber optic”.

Booliska ayaan illaa hadda faahfaahin ka bixin dilkan iyo waxa uu salka ku hayo, waxayna sheegeen iney wadaan baaritaano ku aadan arrtintaas ayna gacan ku dhiiglaha horgeyn doonaan Maxkamada awooda u leh baaritaanka ka dib.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Israel oo qiratay Saraakiil iyo askar looga laayey Gaza

Caydiid Ali

Ciidamo fara badan oo caawa lagu daadiyey degmooyin ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Khilaaf hoose oo soo kala dhex galay Farmaajo & Fahad Yaasiin & Mucaaradka oo ka digay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---