(Sawirro) Dibed-bax ka dhan ah Guddoomiyaha deg. Waaberi oo Muqdisho ka dhacay

Dibed-bax careysan oo looga soo horjeedo Gudoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan degmadaas.

Dadka dibed-baxa dhigayey oo iskugu jiray dhalinyaro, haween, odayaal iyo waxgaradka degmadaas ayaa ka soo horjeeday xilka ka qaadis iyo bedel lagu sameeyey guddoomiyihii Waaxda Horseed ee degmada Muxyadiin Muriidi Shabiye.

Dibed baxayaasha oo xamaasad xoogan ay ka muuqato ayaa ku soo wareegay wadooyinka iyo Xaafadaha degmadaas, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ku cambaareynayaan Guddoomiyaha degmada Waaberi Sugaal Cali Ayaanle oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo bedelka Masuuliyiintooda, uuna ka leeyahay dano gaar ah.

Waxay ku eedeeyeen Gudoomiye Sugaal Cali Ayaanle inuu soo sameystay warqad been abuur ah oo xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Waaxda Horseed Muxyadiin Shabiye oo ay sheegeen inuu yahay shaqsi degaanka wax badan ka qabtay, hase ahaatee loo beegsanayo sababo la xiriira inuu ka soo jeedo beesha Jareerweyne.

Shacabka dibed baxaya dhigayey ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Madaale iney soo fara geliyaan xad gudub iyo dhibaatooyin ay sheegeen inuu ku hayo gudoomiyaha degmada Waaberi oo u adeegsanaya awood dowladnimo.

HOOS KA DAAWO DIBED BAXA KA DHACAY DEGMADA WAABERI

 

- Advertisement -