Imaaraadka oo Abaal marin siiyay Abi Ahmed iyo Afwerki (Daawo Sawirro)

Dalka Imaaraadka Carabta waxaa ku sugan Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, labadan Hogaamiye ayaana casuumad ka helay dowlada Imaaraadka.

Maxamed Bin Zayed oo ah Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta ayaa Abaal marinta ugu sareysa dalka Imaaraadka gudoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Imaaraadka ayaa ku amaanay labadan Hogaamiye doorkii weynaa ay ka qaateen sidii loo dhameyn lahaa colaadii labada wadan u dhaxeysay loona gaari lahaa heshiisyo dhaxal gal u ah labada wadan.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo afjaray colaadii mudada 20-ka sano u dhaxeysay, waxaana labada dowladood ay gaareen heshiisyo badan oo qeyb ka ahaayeen in dib loo furo safaaradaha labada wadan iyo in lasoo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in kaalin muuqata ku laheyd sidii ay labada wadan uga heshiin lahaayeen colaadii ka dhax aloosneyd, waxa ayna Imaaraadka soo dhaweeyeen in labada wadan ay heshiis gaaraan.

Maxamed Bin Zayed ayaa mid  taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ee lagu soo afjaray colaadii dadka badan ku dhinteen ee ka dhax aloosneyd mudo 20-sano ah labada wadan.

Imaaraadka Carabta ayaa saameyn muuqata xiligan ku yeelanaya Siyaasada Qaarada Afrika gaar ahaan tan geeska Afrika, waxa ayna Imaaraadka saameyntooda mudooyinkii dambe aheyd mid kusii xoogeesaneysay Wadamo badan oo caalamka kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -