Masuul kale oo katirsan dowlada Iran oo laga helay Cudurka Caronavirus

Dalka Iran waxaa ku faafaya cudurka halista ah ee Caronavirus, waxaana Xukuumada Tehraan bilowday dadaalo badan oo looga hortagayo in cudurkaasi kusii faafo guud ahaan Jamhuuriyada Iran.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka dalka Iran iyo masuul kale oo katirsan dowlada Iran ayaa horey loo shaaciyay in uu haleelay cudurka Caronavirus, waxaana masuuliyiintan lagu karantiilay xarun xaaladooda caafimaad lagula soconayo.

Gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Iran u qaabilsan siyaasadda dibedda iyo ammaanka qaranka Mojtaba Zolnour, ayaa isna laga helay caabuqa Caronavirus, waxaana masuulkan isna lagu sameeyay karaantiil.

Mojtaba Zolnour, ayaa sheegay in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo cudurka Caronavirus, waxa uuna xusay masuulkan in uu hada ku jiro karaantiil uuna rajo ka qabo in ay ka guuleestaan cudurkan.

“Baaritaanka la igu sameeyay ee Corona ayaa muujiyay inaan qabo cudurkaasi. Ma miro wax laga walwalo. Hadda goob karantiilan ayaa ku suganahay. Haddii Alle idmo shacabkeena wey ka guulaysan doonaan Corona,” ayuu yiri mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Mojtaba Zolnour.

Dalka Iran in ka badan 20-qof ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen cudurka Caronavirus, waxaana hada la il daran cudurkaasi oo laga daweenayaa dad kale Iraaniyiin ah ay ku jiraan masuuliyiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -