Xarun Hormuud leedahay oo la Gubay & mid ka mid ah shaqaaleheeda oo dilay

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud gaar ahaan Xarunta ay ku leedahay Dhuuntow ka tirsan Gobolka Gedo Saakay xilliga Salaadda Subax.

Ciidamada Kenya ayaa dilay Cabdiraxiin Xasan Cali oo kamid ahaa Shaqaalihii Xarunta Hormuud ee Dhuuntow oo aheyd qadkii isku xiri jiray Dhamase iyo Ceel Waaq.

Sidoo kale waxaa la dilay nin shacab oo ka mid ahaa dadka deegaanka oo isna lagu magacaabi jiray Baxar Iidoor oo ku jiray asbuucii koowaad ee arooskiisa.

Ciidamada Kenya ayaa dilkaas kadib Xaruntii Hormuud ku xiray waxyaabaha qarxo kadibna waxay sidaas ku gubeyn Xaruntii iyo dhammaan qalabkii yaalay.

Waxaa hadda hawada ka maqan Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda Magaalada Ceelwaaq maadaama ay ku xirneyd Xarunta ay gubeyn ciidamada Kenya.

Ilaa hadda lama yaqaan Sababta rasmiga ah ee keentay inay Ciidamada Kenya mar kasta si gaar ah u ugaarsadaan Xarumaha Shirkadda Isgaasiinta Hormuud.

Ciidamada Kenya ayaa horey u gubay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji iyo Dhegalaab.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dhibaatadan loo geystay isgaarsiinta oo ah waxa isku xira nolosha dadka, mana ahan markii ugu horeesay oo Ciidamada Kenya ay waxyeeleeyaan xarumaha Isgaarsiinta Hurmuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -