Isaaq Cali Yaroow oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta uu usoo baxsaday

Taliska Ciidamada Nabadsugida dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kusoo bandhigay xubin katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

Isaaq Cali Yaroow Cabdiraxmaan, oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab gaar ahaan kuwa jabhada ayaa kasoo baxsaday kooxdaasi uu katirsanaa, waxa uuna isku soo dhiibay ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed uu xariir lasoo sameeyay.

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo shan sanno ah uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna xusay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay deegaano katirsan Koonfur Galbeed.

Isaaq Cali Yaroow ayaa ku eedeeyay kooxdii uu katirsanaa ee Al Shabaab in dhibaato badan ku hayaan dadka shacabka ah, waxa uuna ugu baaqay saaxiibadiis wali ku jira kooxdaasi in ay isaga soo baxaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa marar kala duwan soo bandhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay, waxaana xubnahan qaarkood kamid noqdaan ciidanka dowladda halka kuwa kalana lagu xareeyo xero dhaqan celin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -