Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay Firin iyo Diyaano (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareejiyeen Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Sarreeyo Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Taliyihii hore, Sarreeyo Gaas Sulub Axmed Firin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay. Isaga oo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee ciidamada Booliska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada dalka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, isla markaana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan waajibaadka loo igmaday, si kalsoonida ay ku qabaan bulshadu u noqoto mid sarreysa.

Related posts

RW Khayre & Culimada Soomaaliyeed oo ka wada hadlay xalinta arrin maalmahan si weyn loo hadal hayey

Caydiid Ali

(Sawirro) Xogta kulamo Laftagareen la qaatay Catriona Laing iyo Joachim Waern

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---