Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo muhiim ah la qaatay golaha dhaqaalaha Qaranka.

Kulankan oo ay yeesheen masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo golaha dhaqaalaha Qaranka ayaa diirada lagu saaray xaalada dhaqaale ee dalka iyo isbadalka ay wasaaradda ugu jirto hagaajhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Inta aan ku guda-jirno geeddi-socodka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxaa muhiim ah in aan ka faa’iidaysano aqoonta iyo qibradda dadkeenna aqoonta iyo fahanka u leh Horumarinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa xilligan wada shaqeyn buuxda la laheyn wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada, kuwaa oo dhawwaan shaaciyay in ay xiriirka u jareen, waxaana labada dhinac aysan wali ka heshiin qodobo ay isku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -