Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Cagjar oo xabsiga dhigay Mas’uuliyiin, kuwa kalena shaqada ka eryey

Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shaqada laga cayriyey madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi

Wararkan oo aanu ka helnay ilo kala duwan waxay sheegayaan in lagu beddelay ku xigeenkiisii Cabdullahi Maxamed “Candullaahi Dheere”.

Waxaa isna xilkii laga qaaday madaxii sirdoonka Ilyaas Cali Bulxan, waxaana si ku meelgaadh ah loogu dhiibay Cabdi Siigaale iyadoo ku xigeen looga dhigay Xirsi Dool.

Sidoo kale waxaa wararkan sheegayaan in la xiray madaxii hab-maamuuska ee madaxtooyada maamulka Cabdulqaadir Sheekh Axmed Bisle.

Sababta tallaabooyinkan loo qaaday ayaan ilaa hadda rasmi ahaan loo shaacin, waxaana la filayaa in maamulku saacadaha soo socda uu faahfaahin ka bixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doonista badda ee Itoobiya waa qorshihii lagu dhisay Qudus

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Baledweyne Musharax iyo dad kale oo ku dhintay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Isimada iyo Bulshada Rayidka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---