Lamaane isku guursaday Gunta Hoose ee Badda iyo hadal heyn ka dhalatay (Sawirro)

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa si weyn u hadal haya sheekada lamaane u dhashay dalka Hindiya oo isku guursaday gunta hoose ee bad kutaala Koonfurta dalka Hindiya.

Lamaanahan oo lagu magacaabo V Chinnadurai iyo S Sweth ayaa iyaga oo ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Hindiya caanka ah ubaxyo isku weedaarsaday gunta  hoose ee badda.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warantay in Mr Chinnadurai uu kamid yahay kooxaha quusa badda balse gabadha uu guursanayay mudo ku qaadatay in uu baro quusashada si farxadooda arooska uga dhacdo gunta hoose ee badda.

Dad badan ayaana siyaabo kala duwan uga falceliyay arooska lamaanahan , waxa ayna dadka qaar ku tilmaameen lamaane geesiyaal ah oo ka dhabeeyay riyadooda aheyd in gunta hoose ee badda arooskooda iyo ubax isku dhiibkaba ka dhaco .

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -