Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wafdi ka socday UNka oo gaaray degmo ka mid ah kuwii laga saaray Al-Shabaab

Wafdi ka socday heyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada WFP ayaa gaaray degaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degaanadii dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas mudane Muumin Maxamed xalane iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga Degmadda mudane Cabdulaahi Shuuriye ayaa magaalada maxaas ku soo Dhaweeyey xubnahan ka socday hay’adda Cunadda Aduunka ee  WFP.

Waxay u kuur galay xaalada degmadda sidoo kalena waxay booqdeen Xarumaha barakacyaasha iyo Goobaha caafmaadka si ay u ogaadaan Baahiyaha ka jiro Degmadda Maxaas oo ay ku soo Barakaceen shacab fara badan..

Gudoomiyaha Degmadda Maxaas ayaa warbixino la xariiro xaalada Degmadda ka siiyey wakiilada ka socday hay’adda Canada addunka ee WFP si ay wax uga qabtaan baahiyaha Degdega ah ee heysta shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo booqday Taliska ciidanka Booliska, kuna dhawaaqay..

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo caawa shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Alexandre Bissonette oo qirtay inuu Masjid ku laayey Muslimiin salaad ku jiray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---