Ciidanka Dowladda oo Mubaarak ka fuliyay howlgal lagu dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa la sheegay in maanta howlgal qorsheesan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka dowladda beegsadeen bartilmaameedyo kuyaalla deegaanka Mubaarak oo ay sheegay in uu yahay goobta ugu weyn ee Al Shabaab dadka lacagaha uga qaadaan.

Sarkaal katirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay sargaal magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa ku xigeenkii ninka Al Shabaab u qaabilsan deegaanka Mubaarak, waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalkaasi lagu dhaawacay ku dhowaad 10-kale uu ku jiro sargaalka Al Shabaab u qaabilsan Mubaarak.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah , kuwaa oo qaarkood la dilay kuwa kalana la dhaawacay” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta dowladda.

Warkan lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa kusoo aadaya xilli maanta Warbaahinta Al Shabaab dhankooda tabiyeen weerar gantaal oo lagu qaaday Deegaanka Mubaarak  lagu dilay dad ku dhaw toban qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -