Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Muxuu Boqorka cusub ee dalka Ingiriiska ku sheegay khudbadiisi ugu horeysay?

Boqorka cusub ee Ingiriiska Charles III oo jeediyey khudbadiisii ugu horeysay ayaa sheegay inuu ka naxay geerida hooyadii, boqorad Elizabeth II, isagoo balan qaaday inuu sii wadayo howlihii ay Qaranka u heysay mudadii 70ka sano aheyd ee la soo dhaafay,

Charles III ayaa xusay in hooyadii ay tusaale u ahayd isaga iyo qoyska boqortooyada

“Hooyadey aan jeclaa waxaad billowday safarkaagii ugu dambeeyay ee aad  ugu tageysa aabahay, waxaanna ku oran lahaa waad ku mahadsan tahay jaceylka iyo sida aad naftaada ugu hurtay qoyska iyo qaranka” ayuu yiri boqor Charles III.

Waxaa la filayaa in maanta oo sabtida ah Charles si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay Boqorka boqortooyada Britan.

Aaska boqoradii geeriyootay ayaa la filayaa in lagu qabto Westminster Abbey qiyaastii toban maalin gudahood, iyadoo taariikhda uu xaqiijin doono Qasriga Buckingham. Waxay u badan tahay in lagu dhawaaqo maalin fasax qaran ah

Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geeriyootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib.

Related posts

Wasiir Faarax Cabduqaadir oo Hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo…

Cabdi Cade

Mucaaradka Kenya oo ku baaqay dibed baxyo cusub iyo xiisado ka taagan Nairobi

Caydiid Ali

Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn uu ka geystay bartamaha Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---