Maxaa ka soo baxay shirkii Golaha amaanka ee QM ee looga hadlay Xaalada Somalia?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Modoobay ayaa maanta ka shiray xaaladda Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa Golaha warbixin siiyey isagoo u sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid ku habboon in wax laga qabto arrimaha mudnaanta qaranka leh, si looga faa’ideysto fursadan.

Waxa uu xusay in mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan si horumar loo gaaro.

Ergayga Qaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tillaabooyin dheeri ah si loo xaqiijiyo ka qaybgal macnaha leh oo ay ka helaan haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha taariikh ahaan la haybsooco ee guud ahaan hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ka jirta Mudane James Swan waxa uu sheegay in Ilaa 5.3 milyan oo Soomaali ah ay heleen gargaar bini’aadantinimo, balse iyadoo baahidu sii kordheysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaaliyay in uu fashilmay, in gargaar dheeri ah uu muhiim ah yahay, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa uga baaqay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya in ay si degdeg ah u kordhiyaan bixinta lacagaha loo baahan yahay.

- Advertisement -