Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ku soo qabtay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Kumaandoska DANAB ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay degaano ka tirsan gobolka J/hoose oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Degaanada ay ka dhaceen howlgalada ayaa kala ah Yaaq-Bishaar, Buulo-xaaji, Kanjaroon iyo Warta Bilow oo ku yaalla duleedyada magaalada Kismaayo

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in intii uu howlgalku socday ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa Miinooyinka kaasoo lagu magacaabo Xassan Cabdulaahi Abshir, magaciisa afgarashaduna uu yahay  Abuu Faaruq.

Waxay intaas ku dareen saraakiishu in sidoo kale intii uu socday howlgalkaas lagu khaarijiyay labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, Sidoo kalena ay ciidanku soo Saareen Miinooyin ay dhulka ku aaseen Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab XDS Taliye Carab dheeg Axmed ayaa sheegay iney sii socon doonaan howlgalada.

Related posts

Sudan oo shaacisay hadal biyo qabow ku shubay xiisadii kala dhexeysay Itoobiya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo kulan muhiim la qaatay Guddoomiye Al-Yamaahi

Cabdi Cade

Xukunno kala duwan oo lagu riday Masuuliyiin iyo saraakiil u xirnaa Musuq maasuq (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---