Muxuu yahay shirka ay Muqdisho ka fureen Dowladda Soomaaliya iyo IGAD? (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa manata  magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka falanqeynta Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha ee Blue Economy.

Kulanka oo socon doona sadax maalmood ayaa  looga doodi doonaa hannaanka ugu wanaagsan ee loo xasilin karo heerka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana  shirka soo qaban-qaabiyay Dowladda Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD.

Shirka waxaa furay Wasiirka Arrimaha dibadda XFS iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga, Agaasimaha Saadaasha iyo Qataraha Urur gobaleedka IGAD, farsamo yaqaanno ka socda dowladda dhexe, dowlad goboleeyada iyo IGAD.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali Baxnan ka qeyb galay shirka istiraatiijiyadda qaran ee Dhaqaalaha Buluugga ah.

Wasiir Baxnaan ayaa sheegay in wasaaraddu ay door muhiim ah siineyso sidii loo horumarin lahaa ka faa’iideysiga dhaqaalaha badda taasoo horseedi karta in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Shirkan waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socota urur Goboleedka IGAD iyo khuburo arrimaha dhaqaalaha Buluugga ah kuwaas oo falanqeynaya hirgalinta qorshahan qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -