(Daawo Sawirro) Shir looga hadlay labo qodob oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee dhaqaalaha kaasoo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan dib u habaynta dhaqaalaha iyo dayn cafinta dalka.

Kulanka ayaa waxa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshe-hawleedka tiirka dhaqaalaha iyo warbixinno ku saabsan dib-u-habaynta dhaqaalaha, guddi hoosaadkan waxa laga sugayaa inuu keeno istiraatijiyadda guud ee kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo maalgashiga dalka.

Qoraal ku saabsan shirkan oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaan maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyey ee Guddi hoosaadka Dhaqalaaha ee Golaha Wasiirrada.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay qaabka shaqo ee tiirka dhaqaalaha iyo warbixinno ku saabsan dib u habaynta dhaqaalaha iyo dhammaystirka qorshaha dayn cafinta.

Guddi hoosaadkan ayaa waxa laga sugayaa inuu keeno qorshaha guud ee kobcinta dhaqaalaha, xal u helidda shaqo la’aanta, soo jiidashada maalgashayadaasha caalamiga ah, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale dhiirrigelinta wax soo saarka Dalka.

Arrimahaas in si dhab ah looga midho dhaliyo ayaa ah jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno faqriga, baahida iyo abaaraha inagu soo noqnoqda.

 

- Advertisement -