Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxkamadda sare ee Kenya oo maanta ku dhawaaqeysa Go’aanka Natiijada Doorashada iyo …

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in ay ku dhawaaqdo go’aanka ugu dambeeya ee natiijada doorashada Madaxweynaha ee dhawwaan dalkaasi ka dhacday.

Dacwad ku aadan natiijada doorashada Madaxweynaha ee horey loogu dhawaaqay waxaa maxkamadda sare u gudbiyay Raila Odinga oo guddiga doorashada xubno katirsan shaaciyeen in doorashada uu ku guuleestay Wlliam Ruto.

Raila Odinga iyo afar xubnood oo katirsan guddiga doorashada oo taageero ka helaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dacwada ay u gudbiyeen maxkamadda sare u gudbiyay dacwad la xariirta in la musuqmaasuqay doorashada.

Maxkamadda sare ayaana la filayaa in maanta labo go’aan midkood ay ku dhawaaqdo, in ay taageerto natiijada doorashada ee la shaaciyay 15-kii Agoosto iyo in gabi ahaan meesha ka saaraan natiijada doorashada kuna baaqaan doorasho kale oo ku celis ah.

Amaanka magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo kuyaalla dalka Kenya ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta ada u yar isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana dadku dhegta u wada taagayaan natiijada go’aanka ay soo saareyso maxkamadda sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad Dagaal oo lagu qiimeeyay lacag dhan 36-Milyan Dollar oo bur burtay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo kusii jeeda Imaaraadka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo soo bandhigtay tirada rasmiga ah ee ciidanka Milateriga

Caydiid Ali