Dad ku sumoobay Kiimiko ku taadatay Laami kuyaala Magaalada Garawe (Sawirro)

Dad ku dhaqan magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa maanta ku sumoobay kiimiko ku daatay wado dhax marta magaaladaasi, waxaana arintan war kasoo saaray maamulka Garawe.

Guddoomiyaha ahna duqa caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa sheegay in sadex qof uu ku jiro askari ku sumoobeen kiimiko ku daatay laami kuyaala Garawe, waxa uuna xusay in ciidamada xireen darawalkii booyada waday.

” Maanta 11-kii barqanimo Booyad kuwa nadaafadda ayaa kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara. Waxaa ka hawlgalay ciidanka amniga oo booyadii iyo darawalkii gacanta kusoo dhigay. Kiimikada waxaa laga soo qaaday Wershedda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan dab xoog leh dhibaato weyn u geystey.” ayuu yiri guddoomiye Axmed.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkii kiimikada waxyeelada u geesatay la geeyay isbitaal ayna xaaladooda kasoo reeneyso, waxa uuna xusay in askari katirsan booliiska oo goobta gurmad u tagay xaaladiisa daran tahay ayna ku xiran tahay ogsajiin.

” Sadex qof oo neeftu ku adagtahay oo la geeyey Isbitaalka Guud kuwaasoo xaalkoodu kasoo raynayo. Waxaana ugu liita Askeri ka tirsan ciidanka Booliska oo ka mid ahaa ciidankii gurmadka ku tegey, kasoo hadda Oxygen ku xiran tahay. Allaha Garab-galo geesiyaasha naftooda har iyo habeen inoo hura.” sidaas waxaa qoray guddoomiye Axmed.

Maamulka Garawe ayaa dhaqay laamigii kiimikada ku daataya, waxa ayna intii hooshaasi wadeen ciidamada amaanka dadka ku amrayeen in ay ka fogaadaan goobta kiimikada ay ku daatay si aysan waxyeelo uga soo gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -