Taliye katirsan Haramcad oo ku dhaawacmay Weerarkii Al Shabaab saakay lagu qaaday

Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar saakay ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo ciidamada Duufaan ee katirsan NISA ku qaadeen deegaanka Basra ee Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ayaa weerar ku qaaday maxkamad Al Shabaab ku lahaayeen beeraha ku yaalla aaga Basra gaar ahaan beerta Cali Mahdi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhax maray ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimnasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidanka dowladda iyo Al Shabaab, waxaana dagaalka dadka ku dhaawacmay ku jira taliyihii howlgalada gobolka Banaadir ee ciidanka Haramcad Salaad Maxamed Carabey.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale qaar kale gacanta kusoo dhigeen, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay burburiyeen maxkamaddii Al Shabaab ku laheyd halkaas.

Dowladda ayaana faahfaahin badan ka bixin howlgalka saakay ciidanka dowladda ka fuliyeen deegaanka Basra iyo goobo kale oo ku dhaw dhaw oo Al Shabaab saldhig iyo maxkamad ay tagaan dadka Muqdisho ku lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -