Oday dhaqameed caan ah oo lagu dhex toogtay Masjid ku yaalla Boosaaso

Waxaa goor dhow Masaajid ku yaalla Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagu dhex toogtay mid ka mid ah salaadiinta caanka ah ee degaanada Puntland.

Nin bastoolad ku hubeysnaa ayaa la sheegay inuu galay Masjidka Mubaarak oo ku yaalla Xaafada laanta Hawada ee Magalada Boosaaso, isagoo dhowr xabadood ku dhuftay Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastii lagu furay markii hore uu kasoo gaaray dhaawac culus oo uu ugu geeriyooday Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso oo loola cararay

Agagaarka Masjidka ayaa waxaa dilka ka dib ka dhacay qarax loo adeegsadsaday  bam gacmeed, inkastoo aan la sheegin khasaare naafeed oo ka dhashay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa dilka kadib goobta gaaray, hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan ninkii ka dambeeyey dilkaas oo baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -