Dowlada Maraykanka oo cuno-qabateyn cusub ku soo rogtay Ruushka (Sababta)

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka taasoo jawaab u ah weerarrada dhanka internet-ka iyo falal kale oo cadowtinnimo ah sida uu sheegay Madaxweyne Biden.

Xanibaadahan ayaa saameynaya dhowr shirkadood oo Ruushka laga leeyahay iyo saraakiil, ayaa looga gol leeyahay in looga hortago ficillada xun ee Ruushka” ayuu yiri aqalka Cad.

Warbixinta Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in sirdoonka Ruushka uu ka dambeeyay dhacii sanadkii la soo dhaafay loo geystay “SolarWinds”, waxayna Moscow ku eedeyneysaa faragelinta doorashadii sanadkii 2020.

Cunaqabateyntan oo shalay lagu dhawaaqay ayaa ah kuwo faahfaahsan oo uu saxiixay Madaxweyne Joe Biden. Waxay ku soo aadayaan xilli adag oo uu meel xun marayo xiriirka labada dal.

Ruushka ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha wuxuuna sheegay inuu ka falcelin doono Cunaqabateyntan lagu soo rogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -