Mareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka careesiiyay dowladda Shiinaha

Dowladda Mareykanka ayaa ogolaatay in hub casri ah oo lagu qiimeeyay lacag ka badan 1.1 bilyan oo doolar ka iibiso Taiwan, tallaabadan ayaana durba ka careesiisay dowladda Shiinaha oo aaminsan in Taiwan kamid tahay dhulkeeda.

Mareykanka iyo Taiwan ayaa shalay oo jimco ah kala saxiixday heshiis dhinaca hubka ah , waxaana dowladda Mareykanka ogolaatay in Taiwan ka iibiyaan hub casri ah si ay isaga difaacaan Shiinaha .

Hubka Mareykanka ka iibinayo Taiwan ayaa waxaa kamid ah nidaamka raadaarka oo casri ah si loola socdo weerarrada soo socda iyo aaladaha ka hortagga gantaallada laga soo rido maraakiibta dagaalka.

Dowladda Shiinaha ayaa durba ka carrootay tallaabadan dowladda Mareykanka hubka uga iibineyso Taiwan, waxa ayna Shiinaha ugu baaqday Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay Taiwan hubka uga iibinayaan.

Afhayeen u hadlay safaarada Shiinaha ku leeyahay Mareykanka ayaa ku sheegay in tallaabada Mareykanka qaaday uu carqaladeenayo xiriirka labada dal, waxa uuna ugu baaqay Mareykanka in degdeg heshiiskaasi uga laabtaan.

Waxa uu sheegay afhayeenka dowladda Shiinaha qaadi doonto tallaabooyin laga maarmaan oo jawaab u ah heshiiska dhax maray Mareykanka iyo Taiwan, waxa uuna ku eedeeyay Mareykanka in ku xadgudbeyso qaranimada Shiinaha.

Ciidamada Shiinaha oo ka jawaabayay booqasho Taiwan ku tagtay Taiwan afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi, ayaa sameeyay dhoolotusyo milatrai oo ka dhacay qeybo kamid ah Taiwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -