Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan Xilli la hakiyay doorashada Kursigan (Sawirro)

Waxaa goordhaw doorasho ka dhacday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka bilaabatay doorashada kuraas xildhibaano kamid noqonaya Gollaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga HOP086 ay ku tartamayeen taliyihii hore ee Hay’adda NISA hadana ah lataliyaha amniga Qaran Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo  Jeneraal Axmed Maxamed Axmed  (Dhagacaleen) oo katirsan saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya .

Doorashada waxaa ku guuleestay Fahad Yaasiin oo helay 70-cod halka musharaxii la tartamayay Jeneraal Dhagacaleen uu isna helay 24-cod, waxaana halaabay sida guddiga doorashada sheegeen ilaa 3-cod.

Natiijada doorashada kursigan ayaana aheyd mid horey loo sii ogaa loona xiray Fahad Yaasiin oo soo qortay musharaxa la tartamayay iyo sidoo kale odayaasha iyo ergada dooraneysay kursigan.

Doorashada kursigan ayaana imaaneysa xilli guddiga doorashada heer federaal horey u hakiyeen doorashada kursigan uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, lamana oga go’aanka ay kursigan ka qaadan doonaan Guddiga doorashada iyo guddiga xallinta khilaafaadka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -