Dadkii lagu laayay Duleedka Baledweyn oo adkaatay in loo gurmado iyo Aabe Wiilkiisa …

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo masuuliyiin katirsan maamulka gobolka ku baxeen deegaan dhaca duleedka magaalada oo Al Shabaab dad badan ku dileen kuna gubeen gaadiid kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay deegaan lagu magacaabo Afar Irdood oo kuyaalla inta u dhaxeysa Baledweyn iyo Maxaas ayaa lagu dilay dad badan oo la socday gaadiid raashin u waday degmada Maxaas iyo gaadiid kale oo safar ahaa.

Al Shabaab ayaana la sheegay in miinooyin galiyeen wadooyinka soo gala halka dadka ku dileen kuna gubeen gaadiidka xamuulka siday, waxaana adag in si degdeg ah loogu gurmado dadka Al Shabaab laayeen.

Dad gurmad ah oo saakay u baxay deegaanka weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in miino la qaraxday ayna kasoo gaareen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana jirta cabsi laga qabo miinooyin kale oo jidka ku jira.

Dadka miinada ku dhintay saakay waxaa kamid ah aabe la sheegay in wiilkiisa kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al Shabaab gaadiidka ku qaadeen, waxa uuna aabahan gurmad ugu socday wiilkiisa, balse isaga ayaa ku dhintay qarax miino ee jidka la galiyay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya dadka lagu dilay weerarka gaadiidka lagu qaaday ay gaarayaan 20-qof oo shacab ah, waxaana dadka la dilay isugu jireen kuwa iyaga oo cararaya la toogtay iyo kuwa gaadiidka laga soo dejiyay kaddibna la dilay.

Maamulka Hirshabelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha badan ka dhashay ee ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baledweyn iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -