Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo xabsi la dhigay iyo Xog ku aadan sababta loo xiray

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland ayaa xalay lagu xiray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Isku-duwaha Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ee Gobolka Gardafu Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda oo Magaciisa lagu sheegay Eng. Maxamed Cali Beeldaaje, waxaana gacanta ku dhigay Booliska wax yar ka dib markii ay soo gaareen Boosaaso oo ay ku tageen safar.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in sababta loo xiray Mas’uuliyiintan ay tahay, eedeeymo la xiriira Musuq-maasuq ay ku kaceen kaasoo la xiriira dhinaca maamulka.

Wax faahfaahin ah lagama bixin Musuq-maasuqa lagu eedeeyay inay sameeyeen labadan masuul ee ka tirsan Wasaarada Kuluumaysiga Puntland, iyadoo laamaha amaanka Puntland ay sheegeen iney ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -