Weerar dad lagu dilay laguna gubay Gaadiid Raashin waday oo ka dhacay Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid nuuca xamuulka qaada ah oo waday raashin, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas.

Gaadiidka la weeraray oo gaarayay ilaa toban gaari ayaa wararku sheegayaan in ay ka baxeen magaalada Baledweyne ayna raashin u wadeen Maxaas, waxaana gaadiidkan jidka u galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab gubeen dhammaan gaadiidkii raashinka waday, waxa ay sidoo kale Al Shabaab dileen qaar kamid ah darawaladii gaadiidka waday halka kuwa kalana la dhaawacay.

Qaar kamid ah dadkii la socday gaadiidka la gubay oo baxsaday ayaa sheegay in Al Shabaab weerar gaadmo saakay aroortii kusoo qaadeen, waxa ayna tilmaameen in ay gubeen gaadiidkii iyo raashinkii ay wadeen dadka qaarna dileen.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli deegaano katirsan gobolka Hiiraan ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, waxaana weerarkan khasaaraha badan dhaliyay gobolka Hiiraan saakay ka abuuray xaalad kale oo welkwel leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -