Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Cusub ee AFRICOM oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka AFRICOM Gen. Michael Langley, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Muqdisho kusoo dhaweeyaan taliyaha cusub ee Afrikom, waxa uuna xusay in ay ka filayaan taliyaha sare u qaadida amniga geeska Africa.

“DFS waxay ka Mahad celineeysaa doorka AFRICOM ee sara u qaadida amniga geeska Africa, waxaan la wadaagnay qorshaheena ah sare u qaadida awooda ciidanka XDS si ay ula wareegaan amniga guud ee Dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Alshabaab.” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa ka taageera ciidanka milatariga Soonaaliya howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab gaar ahaan weerarada dhinaca cirka ah.

Related posts

 Muqdisho oo laga buufinayo Feyruska halista badan ee Covid-19 (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in ciidamadii uu tababaray Imaaraadka lagu wareejinayo dowlad kale?

Caydiid Ali

Puntland oo xabsiga ku celisay siyaasi caan ah oo dhowaan la sii daayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---