Maxaa ka jira in ciidamadii uu tababaray Imaaraadka lagu wareejinayo dowlad kale?

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay saraakiil ka tirsan dowlada Ciidankii Imaaraadku tababaray ayaa la qorsheynayaa in lagu wareejiyo dowladda Mareykanka oo bixineysa mushaharka iyo daryeelka ciidamadan.

Qorshaha ciidamadan loogu wareejinayo dowlada Maraykanka ayaa marayo meel aad wanaagsan sida ay xaqiijinayaan saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Kulamo dhexmaray Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa looga wada hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee ciidankan loogu wareejin karo Mareykanka.

Waxaa sidoo kale maanta lagu wadaa in Xerada Jen. Gordan ay kulan looga hadlayo arrintan ku yeeshaan Saraakiisha sare ee ciidankii Imaaraadka ay tababareen, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka.

Maraykanka ayaa gacanta ku haya labo qeybood oo ka tirsan ciidamada dowlada kuwaasoo kala ah ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo hoos taga taliska NISA iyo ciidamada Kumandoska ee DANAB oo iyana hoos taga taliska XDS, waxaana ciidamadaas oo kumanaan gaaraya ay yihiin kuwa ugu tababarka iyo dhaqaalaha fiican ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -