Muqdisho oo laga buufinayo Feyruska halista badan ee Covid-19 (Daawo Sawirada)

Waaxda cafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka wada Buufin looga hortagayo caabuqa Coved-19, oo hada kusii faafaya Caasimada iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Dhalinyaro maamulka gobolka Banaadir diyaariyay ayaa ku howlan buufinta feyruska Covid-19 , waxaana talaabadan maamulka ku doonayaa in looga hortago in uu ku faafo cudurkan magaalada Muqdisho.

Dad ka badan 400-qof oo kunool magaalada Muqdisho ayaa laga helay caabuqa Caronavirus kuwaa oo qaarkood u dhinteen halka kuwa kalana hada isbitaalo iyo xarumo kale u jiifaan cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -