Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Siyaasi ku xanuunsaday biyaha webi wasaqoobay oo uu Shacabkiisa rabay inay ka cabaan!

Siyaasi ku nool oo – si uu bulshadiisa ugu muujiyo in webi deegaankiisa mara aanu fadaro ‘wasaq’ ahayn – kaas oo koob biyo kasoo darsaday kadibna cabay ayaa loola cararay isbitaalka maalmo un kaddib markii uu tallaabtaas ku kacay.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo oo la xiriiray isbitaalka ayaa sheegay in siyaasiga uu kasoo cawday xanuunka dhanka caloosha ah oo sida iska cad loo aaneynayo biyihii wasaqda ahaa oo uu ka cabay webiga.

Muuqaalka laga soo duubay ayaa la arkayaa siyaasigan maayarka ka ah gobalka Punjab oo ay ku badan yihiin dadka aaminsan diinta Sikh – oo ay wehliyaan wadaado – kaas oo gacantiisa kusoo darsanaya koob biyo kadibna si dhammeys ah u qurqurinaya.

Afhayeen u hadlay siyaasiga ayaa sheegay inay fursad u ahayd booqashada uu ku bixiyay webiga sidoo kalana uu kasoo cabay biyo si uu shacabka ugu muujiyo inuu yahay mid laga cabi karo.

Kali Bein waa webi ay barakeystaan dadka Sikh la yiraahdo kuwaas oo helihii diinta Sikhism-ka, Guru Nanak, oo ku meyrtay webiga kana helay iftiin. Dadka aaminsanna diintanina waxay u arkaan mid ay barakadiisa joogto oo ay iyaguna ku qubeystaan ama ay cabaan biyihiisa. Laakiin gu’yaalihii hore, webigu uma wasaq iyo uskag badneyn sida hadda uu yahay. Dadaallo ay berigaas hor boodayeen geyfanayaal deegaaneed sida Baba Balbir Singh ayaa lagu hubiyay hufnaanta iyo bedqabka webiga in biyihiisa la cabi karo.

Laakiin hadda dadka waxaa laga waaniyaa inay ka cabaan ama ku dabaashaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo safar aan horey loo shaacin dibeda ugu ambabaxay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidan

Cabdi Cade

Milatariga Israa’iil oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib dilkii Samafalayaal reer Galbeed ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---