Doon casri ah ayaa maanta lagu soo bandhigay dekedda Garacad ee gobalka Mudug, kaaSoo loogu tala galay inuu soo jiido Maraakiibta waawayn ee ku soo xiranaya dekadda.
Doontan oo loo yaqaano (Tug Boat) ayaa sidoo kale leh dab-damis iyo qalab awood leh inuu samata-bixiyo ama ku soo jiido Maraakiibta Badda ku ciladooba.
Doontan ayaa qeyb ka noqonaya qalabka ay ku shaqeyn doonto dekeda Garacad sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo maanta kormeeray dekedaas.
Dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo lagu dhisay isku tashi dadweyne ayaa dhismaheedu heer gebagebo ah marayaa, waxaana la filayaa in si rasmi ah ay u howlgasho bisha Juun ee sanadkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com