Xaalad horseedi karta in si fudud ku dhintaan 5 bilyan oo qof oo la ogaaday !

Ku dhawaad 5 bilyan oo qof ayaa u dhiman doona macaluul iyo gaajo haddii dagaal nukliyeer ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka uu qarxo, sida lagu sheegay daraasad cusub oo la sameeyay.

Warbixintan oo qaadatay tobannaan sano oo cilmi-baaris ah, ayaa waxay ku saabsan tahay isbeddelka cimilada, macluusha adduunka iyo is-weydaarsiga nukliyeerka xaddidan.

Dagaal xaddidan oo u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya oo loo adeegsado boqolkiiba saddex hubka nukliyeerka adduunka ayaa dili kara saddex meelood meel dadka dunida ku nool.

“Xogtu waxay noo sheegaysaa hal shay: Waa inaan ka hortagnaa dagaal nukliyeer ah inuu waligiis dhaco,” ayuu yiri Alan Robock, oo ah bare cilmiga cimilada ee Jaamacadda Rutgers iyo qoraaga daraasaddan.

Qaraxa hubka nukliyeer ah oo soo saara in ka badan 5 teragrams (5 trillion garaam) oo sun ah ayaa sababi karo cunto yari baahsan oo saamaysa dhammaan adduunka oo dhan, ayaa lagu yiri daraasaddu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -