Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maalmo kaddib oo banaanka uga baxay Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii afaraad ku sugan magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland , ayaa bilaabay dhaqdhaqaayo ka baxsan xarunta Madaxtooyada uu ku sugnaa maalmahan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo aan loo kala kicin la lahaa maalmihii lasoo dhaafay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta banaanka uga baxay xarunta madaxtooyada uu degnaa, waxa uuna kormeer ku tagay xarumo wasaaradeed.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh  kulamo la qaato waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garawe, kuwaa uu kala hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo xoojinta xiuriirka dowladda Federaalka iyo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaan wax fursad ah loo siin tan iyo khamiistii uu tagay Garawe in uu la kulmo bulshada Garawe, waxaana madaxweynaha culesyo siyaasadeed kaga imaanayeen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -