Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb & Xog ku saabsan furitaanka Shirka wada tashiga

Qaban-qaabo la xiriirta furitaanka Wejigii 3aad ee shirka Dhuusamareeb ayaa la soo sheegayaa iney ka socoto magaaladaas, iyadoo ay shirka ay maqan yihiin madaxda qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda 3 dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku sugan Dhuusamareeb kuwaasoo kulamo gaar gaar ah uga socdaan madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan iyagu weli soo gaarin Dhuusamaareeb, mana jiraan calaamado muujineya inay imaanayaan si ay uga soo qeyb galaan shirka Dhuusamareeb-3.

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijiyey in shirku uu furmi doono saacadaha soo socda, isla markaana aan furitaankiisa lala sugi doonin madaxda haatan Dhuusamareeb ka maqan, balse lagu qanci doono inay ku soo biiraan shirka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ay tagayaan Shirka, marka ay damaanad qaad buuxda ka helaan beesha caalamka, balse qodobka doorashada aan laga hadli doonin ilaa uu wax ka badalo mawqifka madaxwaynaha dalka ee ah in wixii halkaas ka soo baxa loo celinayo Baarlamaanka.

Maadaama uu jiro cadaadis caalami oo Dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxwayne Farmaajo ku qasbaya Shirka 3-aad ee Dhuusamareeb, ayay dadka siyaasadda Falanqeeya sheegayaan inuu doonayo in wax kasta oo shirka ka soo baxa uu aqbalo balse uu ogyahay in baarlamaanku diidayo.

Beesha Caalamka oo maalmahaan qoraallo kala duwan ka soo saaraysay arrimaha doorashooyinka iyo shirka Dhuusamareeb ayaa xilligaan u aragta in go’aan uu gaaro madaxwyane Farmaajo iyo Baarlamaankuba aanay dalka ka dhaqangali karin, oo waxa kaliya oo sharci noqon kara ay tahay go’aan wadajir ah oo ay dhinacyada Saamilayda siyaasadda dalku gaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -