Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, halkaas uu ku sugnaan doono muddo labo maalin ah.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda Puntland , waxa uuna halkaasi kulamo kula qaadan doonaa Madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Garawe u tagay xalinta tabashooyin la sheegay in uu qabo Madaxweynaha Puntland oo kaalin weyn ku lahaa guushii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ugu soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fursad aad u qaali ah oo loo hayo Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda

Cabdi Cade

Wasiir si adag u naqdiyay Hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo qaabilay Safiirro doorashadii dhacday goobjoog ka ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---