Wasiir si adag u naqdiyay Hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa si kulul uga hadlay sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka , wuxuuna sharcigaas ku tilmaamay inuu yahay mid la damacsan yahay in la boobo hantida dadka Soomaaliyeed.

Cali Dheere ayaa  sheegay in sharcigan ay wado DF oo Mareykanka gadaal ka riixayo looga dan leeyahay beegsiga shirkadaha ganacsiga iyo sidii xalaaleysan lahaa boobka hantida shacabka, waxa uu sidoo kale ka hadlay lacago akoono ku jiray oo dowladda xayirtay.

Hadalkan kasoo yeeray afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere waxa asi adag u naqdiyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in hadalka Cali Dheere u muuqday ilgeeriyaad.

Qoraalka uu Wasiir Fiqi uga hadlay khudbadii Cali Dheere ayaa qornaa sida tan:

Waxaan xalay daawaday muuqaal uu iska duubay Cali Khawaarij oo xiran dharkii dawacadii wax wacdinaysay oo kale asagoo iska dhigaya nin u damqaya ganacsatada Soomaaliyeed, Mararka qaarna cataabaya asagoo ilgeeriyaad ka muuqdo!

Cali Khawaarij hoteeladii iyo guryihii uu marka uu burburiyo “Alxamdulillaah” dhihi jirey sow ma ahayn hanti shacab Soomaaliyeed, xoolihii uu zakawaatka beenta ah uu ka qaadi jirey, baabuurtii shacabka ee ay gubeen ama dhaceen, guryaha ay miinooyinka ku xireen baad ay bixin waayeen awgeed iyo boqolaal gardarrooyin kale oo ay hantida umadda ku dhacayaan kuwaasoo dhami sow ma ahayn hanti umadeed.

Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!

Si kastaba Cali Khawaarij calaacalkiisa iyo tabar-darradiisa waxaan leenahay Alxamdulillaah meeshii shacabku kula rabay ayaad ku socotaa!.!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -