Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Beledweyn (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa goordhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Xamse Barre waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne madaxweynaha Hirshabelle, kuxigeenkiisa, wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedada safarka uu ku tagay magaalada Beledweyne lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku tagay magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu Muqdisho uga baxo tan iyo markii xilka Ra’isul Wasaaraha loo magacaabay.

Related posts

Qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Zoope oo dib looga soo celiyey Turkiga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo halka uu ku sii jeedo

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---