Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo qaabilay Safiirro doorashadii dhacday goobjoog ka ahaa (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo salaan ugu yimid safiirada dalalka Soomaaliya u jooga, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa Doorashadii shalay ka dhacday Dalka.

Waxaanay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay shacbi weynuhu u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Somaliland ee ay ugu codaynayeen axsaabta ururada, saddexda Xisbi Qaran iyo murashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka shanta sanno ee soo sacda.

Waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabadgelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda.

Madaxweynaha maamulka Somaliland waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda oo Shaacisay dibadda loo qaadayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Soobe

Cabdi Cade

Laftagareen oo Magacaabay guddi ka kooban 11 xubnoood (Magacyada)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Maamuusay madaxdii iyo Masuuliyiintii ka qeyb gashay kulankii Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---