Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wafdi Hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Garawe (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland gaaray wafdi hordhac u ah safar lagu wado in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuyud ku tago Puntland.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Garawe ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse, waxaana wafdigan garoonka diyaaradaha Garawe kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa gogol xaar u ah safarka  madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna xubnahan kasii shaqeenayaan kulamo madaxweynaha la qaadan doono madaxweyne Deni iyo masuuliyiin kale

Madaxweyne Xasan ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagaya deegaanada Puntland tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sannadkan, waxa uuna horey Madaxweynaha safaro ugu tagay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo sii dheereestay Safarka uu ku joogo Qatar iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Xamse oo caawa sagootiyey danjire Moh’ed Ahmed Al-Cuthmani (Sawirro)

Caydiid Ali

Warbixin: DUFLE SPECIALIST HOSPITAL & adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---