Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo sii dheereestay Safarka uu ku joogo Qatar iyo Sababta ka dambeysa

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada Doha ee Caasimada Dalka Qatar, waxa uuna Madaxweynaha kulamo la qaatay Madax katirsan dowladaasi uu ku jiro Amiirka .

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayay in uu qaato labo cisho oo kaliya, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa safarkiisa sii dheereestay isaga oo wali ku sugan magaalada Doha .

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha sababta uu safarka u dheereesay ay tahay in uu doonayo in dalka Turkiga kasii aaso Qatar si uu uga qeyb galo shir deg deg ah ay isugu imaanayaan Madaxda  Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqsaday in uu Muqdisho kusoo laabto kadibna usii dhoofo dalka Turkiga, waxa uuna Madxaweynaha taa badalkeeda doortay sida Wararka ku helnay in Qatar ka aado dalka Turkiga.

Shirka deg dega ah ay isugu imaanayaan Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa looga hadli doonaa Safaarada Mareykanka ka furteen Qudus iyo Shacabka Falastiin ay laayeen ciidamada Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray dalka Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea oo Damaashaad loo geeyay Xeebta Liido

Cabdi Cade
Taboola Ads ---