Warbixin: DUFLE SPECIALIST HOSPITAL & adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo (Sawirro)

Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dufle (Dufle Specialist Hospital) waxaa uu ka mid yahay Isbitaalada ugu waaweyn ee ka howlgala Magaalada Muqdisho 30-kii sano ee ugu dambeeyey, isagoo ku shaqeeya xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee loo dejiyey in lagu maamulo Isbitaalada.

Waxaa Isbitaalka la aasaasay 1-dii bishii January Sanadkii 1987-dii, iyadoo markii ugu horeysay uu dhidibada u aasay Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo xiligaas ka soo laabtay Jaamacaddo ku yaalla dalka Talyaaniga oo uu ku soo qaatay taqasusyo la xiriira cudurada caloosha, beerka, dheefshiidka iyo qalabka lagu baaro, iyadoo Prof. Dufle uu ka mid ahaa dufcadii ugu horeysay ee ka qelin jebisay Kuliyaddii Caafimaadka ee Jaamacadda Ummada.

Asaaska Isbitaalkan ayaa ka dhashay fikir iyo aragti la xiriirtay baahi dhinaca Caafimaadka ah oo ka jirtay caasimada maadaama magaaladu ay si xowli ah u fidaysay, loona baahday xarumo Caafimaad oo culeyska la qeybsada Isbitaaladii dowladu gacanta ku heysay ee xiligaas jiray.

MARXALIDIHII UU ISBITAALKU SOO MARAY..

Marxalado kala duwan oo mar walba la jaanqaadayey xaaladihii dalka ka jiray ayuu soo maray Dufle Specialist Hospital, waxaana markii ugu horeysay ee la furayey uu ahaa rug Caafimaad oo lagu magacaabi jiray Modern Medical Center, balse nasiib daro waxay xirantay sanadkii 1991-kii markii ay saameyn ku yeesheen dagaaladii sokeeye iyo burburkii dalka ka bilowday, ayna dhacday dowladii hore.

Isbitaalka ayaa mar kale dib u howlgalay sanadkii 1993-kii, isagoo qaatay magac cusub oo ahaa (Mount Sinai Poly Clinic), wuxuuna furitaankeedu ku soo beegmay xilli baahi weyn loo qabay xarumo Caafimaad oo tayo sare leh, maadaama lagu jiray xili adag oo dalku uu dowlad la’aan iyo fowdo ahaa, dhaqaatiirtii dalka joogtay intooda badana ay dibeda u baxeen.

Sanadkii 2005-tii ayaa xaruntii Caafimaadka Mount Sinai Poly Clinic waxay u xuub-siibatay Isbitaal rasmi ah oo loo bixiyey Isbitaalka taqasusiga ah ee Dufle (Dufle Specialist Hospital) kaasoo ah magaca illaa maanta uu ku shaqeynaayo.

HOWLAHA ISBITAALKA IYO CUDURADA LAGU DAWEEYO.

Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dufle (Dufle Specialist Hospital) waa Isbitaal qaabilsan daweynta Cudurada gudaha (Inernal Medicine) iyo cudurada ku dhaca beerka, caloosha iyo dheefshiidka (Gastroenterology and Hepatology).

QEYBAHA ISBITAALKA:

Isbitaalku waxaa uu ka kooban yahay Saddex qeybood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah:

1-Qeybta gargaarka deg deg ah (Emergency Word)
2-Qeybta bukaan jiifka oo leh 40 sariirood (Patients Word) iyo
3-Qeybta bukaan socod eegtada (OPD)

Waxaa intaas dheer Sheybaar ku shaqeeya qalab casri ah, Farmashiye (Pharmacy) laga heli karo dawooyin tayo leh oo lagu xanaaneeyey heerkulkii loogu talo galay iyo Ambulance 24-ka saac heegan ah.

QALABKA ISBITAALKU KU HAWGALO

Dufle Specialist Hospital oo la heer ah isbitaalada waaweyn ee caalamka, wuxuu ku shaqeeyaa qalab casri ah oo loogu talo galay in loo isticmaalo baaritaanka cudurada lagu daweeyo kuwaasoo ay ka mid yihiin.

1-Kombiyuutarka Uur-ku-jirta (Ultrasound) isagoo taariikhda ku galay inuu ahaa Isbitaalkii ugu horeeyay gudaha Somalia ee laga hirgaliyo Kombiyutarkan oo lagu baaro qaybaha Dheefshiidka, Beerka, Xameetida, Beer-yaraha, Kelyaha, Ilmo-galeenka iyo Kaadi mareenka.

2-Qalabka kale ee isbitaalku leeyahay waxaa ka mid ah Tubbada Caloosha (Endoscopy) waana Isbitaalkii ugu horeeyay gudaha dalka ee laga hirgaliyo tubada caloosha oo lagu eego, laguna baaro cudurrada ku dhaca caloosha, dheefshiidka iyo qabsinadda kuwaasoo heerarkoodu kala yahay “Upper Endoscopy” iyo “Lower Endoscopy”.

3-Isbitaalka wuxuu leeyahay kombiyuutarka lagu baaro cudurada iyo dhaqdhaqaaqa wadnaha (ECG).
4-Waxaa sidoo kale Isbitaalku ku howlgalaa Qalabka Raajada (X-ray) noocii ugu dambeeyey.

DHAQAATIIRTA IYO SHAQAALAHA ISBITAALKA.

Maamulaha Dufle Specialist Hospital waa Xasan C/llaahi Axmed, iyadoo Isbitaalka ay  ka hawlgalaan dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal aqoon sare iyo khibrad wanaagsan u leh howlaha Caafimaadka Waxaana ka mid ah:-

1) Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ku taqasusay daweynta Cudurada gudaha (Inernal Medicine) iyo cudurada ku dhaca beerka, caloosha iyo dheefshiidka (Gastroenterology and Hepatology) iyo qalabka lagu baaro
2) Dr. C/kariin Cabdi Xasan “Cibaar” (Internal Medicine-Ultrasound)
3) Dr. Maxamed C/llaahi (Internal Medicine-Endoscopy)
3) Dr. Safiya Shiikh Axmed (Internal Medicine)
4) Dr. Maxamed Saalim Calasow (Internal Medicine).

Waxaa sidoo kale Isbitaalka diyaar kugu ah 24-ka saac kalkaaliyeyaal u tababaran baxnaaninta iyo la socodka xaaladaha bukaanada jiifa iyo kuwa socda ee soo booqda Isbitaalka taqasusiga ah ee Dufle.

AQOONSIGA IYO XIRIIRADA CAALAMIGA AH.

Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dufle (Dufle Specialist Hospital) gobolka Banaadir ka sokow Waxaa looga yimaadaa gobolada dalka iyo degaanada wadamada deriska ah ee Soomaalidu degto qaarkood, waxaa uu ka diiwaan gashay yahay Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Somalia, wuxuuna aqoonsi ka heystaa ururo caalami ah ay ka mid tahay heyadda Caafimaadka Dunida ee WHO (World health Organization) iyo kuwo kale uu xubin buuxda uu ka yahay.

Sidoo kale Isbitaalku wuxuu xiriir iskaashi oo toos ah la leeyahay Isbitaalo waaweyn oo dunida ku baahsan, kaasoo ku dhisan isdhaafsiga Khibradaha, Cilmi-baarista iyo arrimihii ugu dambeeyey ee ku soo kordha aqoonta Caafimaadka, waxaana sidoo kale lagu tababaraa isbitaalka ardayda wax ka barata Kuliyaddaha Caafimaadka ee Jaamacadaha dalka qaarkood oo ah dhaqaatiirtii berito.

HIIGSIGA QORSHAHA MUSTAQBALKA.

Dufle Specialist Hospital isagoo qiimeynaya baahida Caafimaad ee dalka ka jirta wuxuu hiigsanayaa mustaqbalka dhow fulinta qorsheyaal waaweyn oo uu kaalintiisa kaga qaadanayo horumarinya Caafimaadka guud ee bulshada, kuwaasoo ay ka mid yihiin.

1-In Isbitaalka lagu kordhiyo qeybo cusub sida qaliinka (Surgery) iyo qeybo kale oo lagu lagu daweeyo cudurada haweenka (Gynecology) Caruurta (Pediatric) iyo cuduro kale sida kuwa Lafaha, Maqaarka, Neerfaha iyo kuwa Cunaha, sanka iyo dhegaha (ENT)

2-Hirgelinta qeyb cusub oo Cilmi baaris ku sameysa arrimaha Caafimaadka, gaar ahaan cudurada ugu badan ee dadkeena laga helo.

WACYIGELINTA & DARYEELKA DANYARTA.

Isbitaalka wuxuu wacyi-gelin dhinaca Caafimaadka ah u sameeyaa bulshada iyo qaar ka mid ah bukaanada soo booqda, isagoo adeegsanaya Warbaabinta, baraha Bulshada iyo qoraalo la diyaariyey oo bulshada lagu siinayo talooyin caafimaad iyo digniino la xiriira cudurada halista ah ee bulshada ku badan iyo hababka looga hortagi kari, iyadoo dhinaca kale Maamulka Isbitaalka oo ka duulaya duruufaha ka jira dalka uu il naxariis leh ku eego bukaanada danyarta ah ee isbitaalka ka soo doonta adeegyada Caafimaad.

GEBOGEBO..

Maamulka, Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka taqasusiga ah ee Dufle oo looga bartay adeegyo caafimaad oo tayo sare leh waxay iyagoo isku duuban shacabka Soomaaliyeed u balan-qaadayaan, Sinnaan, Naxariis, Hufnaan iyo Daacadnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -