Ra’iisul Wasaare Xamse oo caawa sagootiyey danjire Moh’ed Ahmed Al-Cuthmani (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa caawa casho sharaf sagootin ah u sameeyay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiyay Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al-Cusmaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana si gaar ah uu uga hadlay hawshii uu Safiirku ka qabtay dalka mudadii sanadaha ahayd ah ee uu fadhiggiisu ahaa Muqdisho.

Dhankiisa Danjiraha Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isagoo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaasoo bedelaya Maxamed Axmed Al-Cusmaani oo sanadihii la soo dhaafay u joogay Somalia, saameyna ku lahaa khilaafkii dhexmaray dowladii uu hogaaminayey Madaxweyne Farmaajo iyo dowlada Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -