Dowladda Itoobiya oo weerar ku qaaday gobolka Tigrey iyo kooxda TPLF oo war kasoo saaray

Milatariga federaalka ee Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen guluf dagaal oo ka dhan ah ciidamada TPLF ee ku sugan gobolka Tigrey, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaal dib u bilowdo oo burburto xabbad joojintii.

War kasoo baxay xoogaga TPLF ee ku sugan gobolka Tigrey ayaa lagu sheegay in milatariga Itoobiya bilaabeen weeraro iyaga ka dhan ah,waxa ayna ku eedeeyeen in dowladda jabineyso xabbad joojintii horey loogu heshiiyay.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in mar kale dib u qarxaan dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF oo horey u gaaray heshiis xabbad joojin ah ,si dadka dhibaateesan gargaar loo gaarsiiyo.

Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin eedeynta uga timid kooxda TPLf ee ku aadan in weeraro kusoo qaaday, waxaana cabsi laga dareemayaa xilligan goobaha ay labada ciidan ee iska soo horjeeda isku hor fadhiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -