Farmaajo oo loo dhaariyay Xildhibaan aan dhicin iyo Mooshin laga gudbiyay oo fashilmay

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa saakay kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka ajandayaashiisa saakay kamid ahaa in xildhibaanimo loo dhaariyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa guddoonka golaha shacabka u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayeen in Farmaajo aan loo dhaarin xubin katirsan golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa guddoonka golaha shacabka u ogolaadeen in uu ka hadlo mooshinka ay soo gudbiyeen, waxa uuna ku eedeeyay Farmaajo in uu galay dambiyo ay kamid yihiin weerarkii gurigiisa lagu soo qaaday.

“Illaa hadda Madaxweynihii hore kama haayo wixii dhacay mid dhaqameed iyo mid dowladeed, dhammaan intii ku lug laheyd falkii la igu soo weeraray waa ii yimaadeen waana i raalli geliyeen, waxaana u dambeeyay Taliyihiisii Sirdoonka, Ra’iisul Wasaarihiisa hore iyo Taliyihii howlgalka hoggaaminayay, dhammaan dadkaas waxay i sheegeen inuu weerarkaas uu isaga amarkaas bixiyay” ayuu yiri Cabdiraxmana Cbadishakuur.

Guddoonka golaha shacabka ayaana cod gacan taag ah galiyay mooshinka laga gudbiyay dhaarinta Madaxweyne hore Farmaajo, waxaana xildhibaanada golaha shacabka ogolaadeen in Farmaajo loo dhaariyo xildhibaan sharafeed aan dhicin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana goordhaw loo dhaariyay xildhibaan aan dhicin oo katirsan golaha shacabka, waxaana Farmaajo xildhibaan ahaan doonaa inta noloshiisa ka dhiman.

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhameesta in uu noqonayao Xildhibaan sharafeed inta noloshiisa ka dhiman, waxaana horey sidaan oo kale xildhibaan u noqday Madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -